Milatariga Israel oo shacab Falastiiniyiin ah ku dilay dibadbax ka dhacay magaalada Gaza

Laba wiil oo Falastiini ah ayaa Jimcaha maanta ah lagu dilay dibadbaxa Asbuuc laha noqday oo ka dhacay darbiga Israel ku ooday bariga magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.


Xasan Shalabi oo 14 jir ahaa ayaa u dhintay rasaas nool nool oo qeybaha hore ee jirka uga dhufteen Milatariga Israel ee ku sugan degaanka Khan Yuunis.

Dibad baxaan oo ay ka soo qeyb galeen kumanaan ruux oo falastiini ah ayaa dhanka kale waxaa lagu toogtay Hamza Shteiwi.

Ku dhowaad 17 ruux ayaa sidoo kale la dhigay xarumaha caafimaadka Falastiin waxaana ka mid ah dadka dhaawacmay laba saxafi iyo afar ka mid ah howlwadeenada caafimaadka Falastiin.


Shacabka reer Falastiin ayaa si xoogan u diidan dhul balaarsiga Israel ka wado magaalada Gaza,iyadoo banaanbixii maanta uu noqonayo kii 46-aad.

Faallooyin