Morocco oo diiday in ay ka qeyb qaadato dagaalka Sacuudiga ka wado Yemen

Morocco ayaa hakisay ka qeyb qaadashada gulufka Milatari oo uu horkacayo Sacuudiga ee ka dhanka ah kooxda xuutiyiinta ee dalka Yemen.


Saraakiil ka tirsan xukuumada Rabaat oo ka gaabsaday magacooda in la shaaciyo sababo badan darteed ayaa sheegay in xiisada u dhaxeysa labada dal ay kor u sii kaceyso.

Dowlada Marocco ayaa dhanka kale u yeertay safiirka u fadhiya boqortooyada Sacuudiga.

Madaxdaan u warantay wakaalada wararka ee AP ayaa faahfaahin ka bixin sababaha dhaliyay arintaan, balse waxay sheegeen in Marocco aysan ka qeyb qaadan dagaalka iyo kulamada ay yeesheen wasiirada xubnaha ka ah isbaheysiga uu horkacayo Sacuudiga ee dagaalka Ka wada Yemen.

Sacuudiga ayaa sanadkii 2015-kii dagaal xoogan ku qaaday kooxda Xuutida oo ka soo horjeeda dowlada caalamka aqoonsan yahay ee uu hogaamiyo Abdul Rabu Mansuur Haadi.

Faallooyin