Caruur badan oo daawo la,aan ugu Geeriyootay Venezuela

Dhaqaatiirta caafimaadka ee dalka Venezuela ayaa shaaca ka qaaday in 14 caruur ah ay isbuucaan dhinteen kadib markii uu helaalay cudurka shuban-ka.


Arintaan ayaa loo sababeeyay isticmaalka biyo iyo cunto aan nadiif aheyn.


Tiro caruur ah oo qaaday caabuqa cudurkaan ayay u suuro galin in la dabiibo sababo la xiriira daawo la,aan jirta sida uu sheegay mid ka mid ah howl wadeenada caafimaadka ee magaalada xeebta ku taal ee Barcelona.

Jose Planes oo ka tirsan dhaqaatiirta caruurta ayaa u sheegay warfidiyeenada in daawo ku filan gaar ahaan cirbadaha ay ku yartahay isbitaalka.

Faallooyin