Qoyska Jamal Khashoggi oo dalbaday Meydka Wiilkooda

Qoyska wariye Jamal Khashoggi ayaa wali ka quusan in ay helaan meydkiisa si ay u aas ugu sameeyaan mudo afar bil kadib,sida ay sheegtay gabadha uu guursan Rabay.

Muhiimada waa in aan helnaa meydkiisa si aas iyo duco aan ugu sameyno sidaasi waxaa sheegay Hatice Cengiz oo ku sugneyda magaalada Istanbul oo lagu soo bandhigay Jimcaha maanta Buug ka shekeynaya noloshii Jamal Khashoggi.

Taariikh nololeedka Jamal oo ay qoreen laba saxafi oo u dhashay Turkiga kuwaasi oo wareysi la yeeshay mr Cengiz, iyo dad kale oo saaxiib dhow la ahaa saxafiga Sacuudiga.


Dilka Jamal ayaa lagu tuhmayaa in uu soo amray dhaxal sugaha sacuudiga Maxamed Bin Salmaan walow uu beeniyay Arintaan.

2-dii bishii October ayey aheyd markii uu booqday Jamal dhismaha Qunsuliyada sacuudiga ee magaalada Istanbul halkaasi oo lagu qaarijiyay.

Faallooyin