Macalimiinta iyo dhaqaatiirta caafimaadka oo ku biiray dibadbaxyada ka socda Suudaan

Waxaa sii xoogeysanaya dibadbaxyada looga soo horjeedo madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir kuwaasi oo bilowday dabayaaqadii bishii December ee sanadkii hore. 

Dibadbax ka dhacay talaadada maanta ah caasimada Khartuum ayaa waxaa ka qeyb galay qareeno macalimiin iyo dhaqaatiir kuwaasi oo lagu diidan yahay maamulka gaamuray ee talada haya tan iyo sanadkii 1989-kii. 

Macaliintaan oo hor dhoobnaa wasaarada waxbarashada ayaa aad uga carooday bare dowlada ay xirtay kaasi ugu danbeyn u geeriyooday Jirdil xoogan oo ciidanka u geysteen. 

Si kastaba ha ahaatee banaanbixii maanta ayaa ciidanka amniga waxay u adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa si ay u kala eryaan dadweynaha ka soo horjeeda maamulka Al-Bashiir. 

Dibadbaxyada ayaa waxay ka dhasheen canshuur adag oo dowlada saartay qiimaha lagu iibiyo shidaalka iyo Rootiga taasi oo adkeysa nolosha in badan oo la daala dhaceysay dhaqaalo la, aanta baahsan ee ka Jirta dalkaas. 

Faallooyin