Rexaaf Qanuun: Qoyskeyga waxay ii qaarijin rabeen sidii loo dilay Jamal Khashoggi

Gabadha sacuudiyaanka ah ee qaataday diinta Masiixiga oo Sabtida maanta ah ka degtay dalka Canada ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixisay waxa kalifay in dalkeeda ay ka soo baxsato.

Rehaaf Al-Qanuun oo 18 jir ah ayaa sheegtay in qoyskeeda ay doonayeen in ay u dilaan sidii loo dilay wariye Jamal Khashoggi.


Wasiirka Arimaha dibeda Chrystia Freeland ayaa ku soo dhaweysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Toronto.

Tani waa geesi cusub oo Canadian ah sidaasi waxaa warfidiyeenada u sheegay ms Chrystia oo garab taagneyd Rexaaf Al-Qanuun.

Sheekada gabadhaan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay soo jiidatay bulshada caalamka.

Boqortooyada sacuudiga ayaa ilaa iyo hada ka hadlin Arintaan.

Faallooyin