Maamulka Gobolka Banaadir oo loogu baaqay in uu ka hortago gubashada Suuqa Bakaaraha

Dowlada dhexe ee dalka soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay in ay wax ka qabato gubashada suuqa weyn ee Bakaaraha oo sanadihii la soo dhaafay soo noqnoqday.


Cabdi Xamiid Aadan Axmed oo ka mid ah aqoonyahanada soomaaliyeed ee bartay cilmiga Istaraatiijiyada ee ku nool magaalada Nairobi oo la hadlay Universal ayaa sheegay in looga baahan yahay Xukuumada Jirta iyo Maamulka Gobolka looga baahan yahay in ay si wadajir ah ay uga hortagaan dhibaatadan.

Cabdi Xamiid oo sidoo kale ka mid ah Ganacsatada Nairobi ayaa tilmaamay in Arintaan ay saameyn ku keeneyso hamiga ganacsatada iyo kobaca dhaqaalaha dalka soomaaliya.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu bidhaamiyay in suuqa dhaqaalo badan uu ka soo galo dowlada loona baahan yahay in ay il gaar ah ku heyso dhowrida hantida soomaaliyeed.

Ugu danbeyn waxaa uu uga tacsiyadeeyay dhibaatada soo gaartay ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha.

Faallooyin