Trump oo weerar afka ah ku qaaday agaasimihii hore ee Sirdoonka Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markale weerar ku qaadaya agaasimihii hore ee sirdoonka James Comey iyo xubno kale kadib markii warbaahinta Mareykanka qortay in FBI-da ay bilowday sanadkii hore baaritaan ku dhan ah in Trump guushiisa uu gacan ka geestay Ruushka iyo inkale.

Qoraalo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka sabtida maanta ayuu Trump ku sheegay in James Comey uu ahaa ruux ku caan ah Musuqa.


Dhanka kale Trump ayaa sheeko raqiis ah ku tilmaamay warbixin uu majalada Newyork Times uu siiyay taliyihii hore ciidanka Mareykanka iyo agaasimihii hore Mr Robert Mueller.

Trump ayaa yiri wow waxaan wax ka baranay sheekada hogaamiye yaashii hore ee FBI-da kuna caan baxay musuq maasuqa waa sida uu hadalka u dhigay.

Hogaamiyaha Mareykanka ayaa intaa ku daray in dhamaantood shaqada uu ka tiray halka kuwa kale uu ku qasbay in ay ka tagaan shaqada,balse ay hada doonayaan in dacwad been abuur ah ay ka sameeyaan.

Faallooyin