Maxkamada magaalada Wajeer oo ciqaab adag dul dhigtay 19 jir kufsi Geestay

Maxkamada hoose ee magaalada Wajeer ayaa xabsi daa,in ku xukuntay nin lagu helay in uu kufsaday deetana ay uur ku qaaday gabar 11 Jir ah oo ku dhaqan magaalada.


Maxamed Dhaqane ayaa lagu eedeyay in uu si qasab ah u kufsaday gabadhaan xilli ay ku sugneyd guriga waalidkeeda.


Dhibanahaan ayaa ugu danbeyn qaaday iyadoo qaabka qaliinka casriga ah ay u dhashay maadama ay da'yartahay oo ay awoodin in si caadi ah ay u dhasho.


Eedeysanaha ayaa u sheegay maxkamada in arintaan uu u sameeyay sababo la xiriira qilaaf u dhaxeeya labada qoys.


Garsooraha maxkamada hoose ee magaalada wajeer Mugendi Nyaga ayaa ku riday markii la arkay cadeymaha ninkaan xukun xabsi daa,in.


Mr Mugendi ayaa sheegay in xukunkaan uu digniin u yahay kuwa kale ee doonaya in ay ku kacaan falalka Ceynkani oo kale ah.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa kor u kacayay falalka Kufsiga ee ka dhacaya Magaalada Wajeer.

Faallooyin