Tulsi Gabbard oo ku dhawaaqday in ay u tartami doonto doorashada madaxtimo ee Mareykanka

Tulsi Gabbard oo ah xubin ka mid ah xisbiga dimuquraadiga Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay u loolami doonto doorashada madaxtinimo ee sanadka 2020-ka.

Haweeneydaan oo aqalka hoose u matasha gobolka Hawaii ayaa wareysi ay siisay Tv-ga CNN waxay sheegtay in ay daneyneyso u loolamida xilka madaxtinimo.

Balse waxaa la filayaa in todobaadka soo aadan ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo loolankeeda.

Waxaa jira sababo waaweyn oo igu dhaliyay in aan qaato go,aankaan waxaa jira isbadalo badan oo ay wajahayaan dadka Mareykanka waxaan doonayaa in aan ka caawiyo xalinta dhibaatooyinka Jira.


Tulsi Gabbard ayaa ah 37 jir ku xeeldheer dagaalka Mareykanka uu ka wado wadanka Ciraaq waana shaqsigii ugu horeeyay oo Hinduu ah oo ku dhashay wadanka Mareykanka loona doorto aqalka hoose ee Congress-ka.

Faallooyin