Wadamada Iiraan iyo Ciraaq oo kulamo xasaasi ah ka yeelanaya kor u qaadida xiriirka labada Dal

Wasiirka Arimaha dibeda wadanka Iiraan maxamed Javad Zarif ayaa booqasho rasmi ah ku gaaray wadanka Ciraaq oo kulamo uu kala qaadanayo mas,uuliyiinta wadanka carbeed.


Socdaalka Zarif uu ku tagay wadanka ay daris wadaaga yihiin ayaa ujeedadiisu tahay sidii loo hormarin lahaa xiriirka siyaasadeed iyo kan ganacsi ee wadamada Ciraaq iyo Iiraan.

Wafdiga la socda Zarif oo isugu Jira ganacsato iyo siyaasiyiin ayaa lagu wadaa in booqashadooda ay soo afmeeraan axada beritto sida uu sheegay afhayeenka wasaarada arimaha dibeda Iiraan Baxraam Qaasimi.


Inta ay joogaan wadanka ciraaq ayaa kulamo waxay la qaadan doonaan xubno sare oo ka tirsan ganacsatada iyo hogaamiye yaasha dalkaas.


Booqashadaan ayaa imaaneysa maalin kadib markii xoghayaha arimaha dibeda Mareykanka Mike Pompeo oo booqasho ku tagay wadanka ciraaq.

Faallooyin