Tirada dad ku dhintay booyad shidaal oo ku qaraxday Nigeria oo laga cabsi qabo in ay Kororto

Booyad waday shidaal ayaa waxay ku qaraxday wadanka Nigeria xilli dad ka agdhowaa goobta ay ku howlanaayeen in ay ka qaataan shidaal ka daadanayay gaarigaan.

Qaraxaan ayaa waxaa ku dhintay 12 ruux sida ay booliska iyo goob joogayaal ku sugnaa halkaasi ay warbaahinta u sheegeen.


Mashaqadaan ayaa fiidnimadii xalay ka dhacday gobolka Odukpani ee dhaca dhanka koonfur galbeed.
Afhayeenka booliska Irene Ugbo ayaa wakaalada wararka ee AP u sheegay in ay goobta ka qaadeen 12 ruux oo meyd ah iyo 22 ruux oo qaarkood si xun u gubtay.


Boqolaal ruux ayaa ku dhimatay shilal ceynkani oo kale ah oo ka dhacay wadanka Nigeria oo ah dalka ugu soo saarka badan shidaalka ee qaarada Afrika.


Shacabka Nigeria ayaa caan ku ah marka ay arkaan dhuumaha shidaalka qaada iyo booyadaha daabula marka ay cilad soo wajahdo in ay ka faa,iideestaan shidaalka dhulka ku daadanaya taasi oo marar qaar uu qarax ka dhasho.


Si kastaba ha ahaatee dhimashada ayaa laga cabsi qabaa in ay gaarto 60 ruux maadaama dadka qaar ay dhamaantood gubteen,sida uu Richard Johnson oo goob jooge ahaa u sheegay wakaakada wararka AP.

Faallooyin