Rexaaf Al-Qanuun oo ka degtay garoonka diyaaradaha magaalada Toronto

Gabar 18 jir ah oo u dhalatay wadanka sacuudiga oo dhawaan wadankeeda ka soo carartay kadib markii ay qaadatay diinta masiixiga ayaa ka degtay wadanka ku yaal waqooyiga Ameerika ee Canada.


Ra'isul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa Jimcihii shalay sheegay in dalkiisa uu aqbalay in magangalyo la siiyo Rexaaf Maxamed Al-Qanuun.

Gabadhaan ayaa sheegtay in dalkeeda ay uga soo carartay kadib markii ay ka cabsatay in la dilo sababo la xiriira diinta ay qaadatay.


Hey,ada qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa todobaadkaan sheegtay in gabadhaan ay u baahantahay magangalyo siyaasadeed kadib markii la dhageestay wareysiyo laga qaaday.


Canada waa wadan fahmi kara muhiimada ay leedahay in loo istaago xuquuqda aadanaha iyo tan dumarka ku nool guud ahaan caalamka,waxaan kuu xaqiijin karaa in aan aqbalnay codsiga qaramada midoobay sidaasi waxaa warfidiyeenada u sheegay Mr Trudeau.

Si kastaba ha ahaatee diyaarada waday Rexaaf ayaa sabtida maanta ah ka caga dhigatay madaarka caalamiga ah ee Pearson oo ku yaal magaalada Toronto.

Faallooyin