Dadaalo lagu iibinayo dhul kaniisadeed oo loo badalayo Masaajid oo ka socda Garissa

Deeq lacag loogu aruurinayo dhul ay leedahay Kaniisad ku taal wadanka Finland oo laga dhisayo masaajid ayaa waxaa laga sameeyay masaajida ku yaal gobolka waqooyi bari Kenya.

Culimo ka socota magaalada Helsink ee caasimada dalkaas ayaa soo gaaray magaalada Garissa iyadoo maalinkii shalay la aruuriyay ku dhowaad lacag dhan laba million iyo shan boqol oo shilinka kenya oo u dhiganta 25 kun oo doolar.

Shiikh Shujaac oo ka mid gudigii lacagahaan aruurinayay ayaa ugu baaqay shacabka waqooyi bari in ay ka shaqeeyaan sidii dhulka ay leedahay kaniisada loogu soo gacan galin lahaa walaalaha soomaaliyeed.

Dhanka kale waxaa uu tilmaamay in ay wadi doonaan maalmaha soo aadan lacag aruurintaan ilaa ay ka helayaan ugu yaraan inta ay u baahan yihiin.


Si kastaba ha ahaatee kaniisada ku taal magaalada Helsink ayaa maamulkeeda waxay codsadeen in laga iibiyo dhulkaan si ay ugu wareejiyeen bulshada muslimiinta gaar ahaan soomaalida.

Faallooyin