Milatariga Israel oo toogasho ku dilay haweeney u dhalatay wadanka Falastiin

Milatariga Israel ayaa toogasho ku dilay Jimcaha maanta ah haweeney Falastiini ah kadib banaanbax ka dhacay salaadii Jimco kadib degaanada ku xeeran magaalada Gaza oo milatariga Israel ku sugan yihiin.

Afhayeenka wasaarada caafimaadka Ashraf al-Qedra ayaa sheegay in Amal al-Taramsi oo 43 jir aheyd ay u geeriyootay rasaas ka haleeshay madaxa.

Haweeneydaan ayaa noqoneysa tii sedaxaad oo ku geeriyoota dibadbaxyada oo bilowday bishii Maarso ee sanadkii la soo dhaafay kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 241 ruux oo reer Falastiin ah.

Dhanka kale dibadbixii maanta ayaa waxaa ku dhaawacmay 25 ruux oo laba ka mid ah ay ahaayeen saxafiyiin ka shaqeysa xarumo warbaahineed oo ku yaal magaalada Gaza.

Faallooyin