UNHCR oo walaac ka muujisay xaalada dadka rayidka ah ee deegaanada ay ku harsan tahay daacish

Qaramada midoobay ayaa walaac xoogan ka muujisay xaalada nololeed ee dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada ku yaal bariga suuriya una dhow xadka ciraaq oo ay maamuusho kooxda daacish.


war saxafadeed ka soo baxay xafiiska hey,ada qaxootiga ee UNHCR ee magaalada Jeneva ayaa jimcaha maanta ah lagu sheegay in lixdii bil ee la soo dhaafay ay sii kordheysay dhibaatooyinka heesta shacabka ku dhaqan xadka Ciraaq iyo suuriya.


Dhanka kale kooxda daacish ayaa lagu eedeeyay in dadka rayidka ah ay u diiday qaarkood in ay isaga baxsadaan deegaanada ay ku sugan tahay kooxda daacish.

Inkastoo marka la fiiryo baaxada dhulka ay heysato kooxdaan uu hada yar yahay una muuqato in laga ciribtiray dhul badan oo horay ay u heesteen ayaa hadane waxaa wali jirta cabsida ay dadka rayidka ah ka muujinayaan in ay soo rogaal celiso.

Faallooyin