Gudoomiye ku xigeenka gudiga doorashooyinka soomaaliya oo xilka laga qaadaay

Gudoomiye ku xigeenka gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka soomaaliya ayaa xilka laga qaaday sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay gudiga.

Sayyid cali sh Maxamed ayaa gudigu waxay sheegeen markii la dhafeestay dacwadaha laga soo gudbiyay lagu ogaaday in uu sameeyay falal wax u dhimaya sumcada Gudiga.

Waxaa yaabaha lagu eedeeyay ayaa waxaa ka mid ah.

Xarafka A oo ah in uu doonayay in uu buburiyo gudiga madaxa banaan ee doorashada.
B In uu si ula kac ah u sameeyay xadgudub cad oo ka dhan karaamada iyo sharafta gudiga.

C in uu ku tuntay dhaqan wanaaga iyo kalsoonida lagu qabo gudiga taasi oo waxyeeleeneysa in lagu kalsoonaado.

War saxaafadeedkaan ayaa waxaa ku saxiixnaa gudoomiyaha gudiga doorashada qaranka xaliima ismaaciil ibraahim.

Si kastaba ha ahaatee ilaa iyo hada ma jirto ilo madax banaan oo ku aadan qilaafka keenay in xilka laga qaado gudoomiyihii gudiga qaranka soomaaliya.

Faallooyin