Martin Fayulu oo sheegtay in uu ku guuleestay doorashada madaxtinimo ee Congo

Martin Fayulu oo looga guuleestay doorashadii madaxtinimo ee wadanka Dimuquraadiga Congo ayaa waxaa uu sheegay in uu aadi doono maxkamada si uu wax uga badalo natiijadii ka soo baxday doorashadii la qabtay 30-kii bishii December.


Siyaasigaan ayaa waxaa uu sheegay in uu ku guuleestay 62 boqolkiiba codadkii la tiriyay.

Madaxa dhanka ololaha Fidele Babala ayaa Jimcaha maanta ah u sheegay warfidiyeenada in 62 boqolkiiba uu guuleestay murashaxa uu u biro tumayay.


Fidele ayaa dhanka kale sheegay in Felix Tshisekedi uu helay 18.9 boqolkiiba halka Emmanuel Ramazani Shadary isna la yimid 18.5 waa sida uu hadalka u dhigay.


Ugu danbeyn Martin Fayulu ayaa laga soo xigtay isaga oo u sheegaya taageerayaashiisa marka aad saxantahay ma ogolaaneysid in aad ku sugnaato girigaada.


Ugu danbey Fayulu ayaa maalinta sabtida ah ee beritto waxaa uu aadi doonaa maxkamada magaalada Kinshasa si uu usoo bandhigo cadeymaha uu hayo isaga oo rajo weyn ka muujiyay dacwadiisa.

Faallooyin