Donald Trump oo socdaal ku tagay xadka Mexico hanjabaadna u diray xisbiga Dimuquraadiga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu ku hanjabay in uu soo rogi doono xaalad deg deg ah si uu uga gudbo ismarin waaga kala dhaxeeya xisbiga dimuquraadiga ee ka dhalatay qilaafka darbiga laga dhisayo xadka Mexico.

Qilaafka u dhaxeeya xisbiga mucaaradka ah iyo xukuumada Trump ayaa waxaa xudun u noqday darbiga uu horay u balan qaaday in uu dhisayo si looga hortago soo galootiga.

Trump ayaa shalay u kicitamay gobolka Texes ee xadka Mexico si uu u sii kiciyo xaalada kormeerna ugu sameeyo dhaqdhaqaaqa xadka.

Waxaa uu tilmaamay in Mareykanka uu wajahayo xiligaan xaalad qatar ah laguna xalin karo oo kaliya in balaayiin doolar lagu qarash gareeyo dhismaha darbi weyn.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa uu sheegay in wax iska caadi ah ay tahay in xaalad deg deg ah uu dalka awoodna uu u leeyahay in uu ku dhawaaqo.

Si kastaba ha ahaatee socdaalka Donald Trump uu ku gaaray magaalada xadka ku taal ee McAllen, ayaa imaaneysa iyadoo mushaar la,aan ay ku shaqeynayaan 800,000 oo shaqaalaha dowlada.

Faallooyin