Xulufada Mareykanka oo bilaabaya in ay ciidankooda ay kala Baxaan Suuriya

Xulufada dowlada Mareykanka ee wada dagaalka ka dhanka ah kooxda daacish ee wadamada Suuriya iyo Ciraaq ayaa bilaabaya in ay ka soo baxaan wadanka Suuriya,sida uu sheegay afhayeenkooda.

Colonel Sean Ryan ayaa Jimcaha maanta ah sheegay in ay bilaabayaan in ciidankooda ay ka daabulaan dalka Suuriya,balse ma uusan sheegin waqtiga rasmiga ah.

Hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee ku sugan wadanka Suuriya ayaa dhankooda shaaca ka qaaday in xulufada uu hogaamiyo Mareykanka ay bilaabeen dhaqdhaqaaq ay ka baxayaan deegaanada ay kaga sugan yihiin waqooyiga Suuriya.

Khamiistii shalay ayey aheyd markii askar ka tirsan milatariga mareykanka ay ka baxeen xerada Rmeilan ee gobolka Hasakeh,sida uu xaqiijiyay Sami Cabdi Raxmaan oo ah madaxa hey,ad u dooda xuquuqda aadanaha oo fadhigeedu yahay Ingariiska.


Ciidankaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka baxa Suuriya Tan iyo markii madaxweyne Trump uu sanadkii la soo dhaafay ku dhawaaqay in ciidanka Mareykanka ay ka baxayaan waqooyiga Suuriya.

Faallooyin