Maamulka gobolka Banaadir oo bilaabaya baaritaan ku aadan dabkii xalay ka kacay suuqa Bakaaraha

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay ka hadleen dabkii xalay ka kacay suuqa weyn ee bakaaraha ee magaalada muqdisho oo ay ku basbeeshay hanti ay lahaayeen Ganacasatada.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir Mudane Cabdulaahi Tuulax ayaa waxaa uu sheegay in ay baarayaan sababtii dhalisay dabkii xalay ka kacay suuqa.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay baqtiijiyeen dabka si uusan ugu faafin goobaha kale ee ganacsi ee ku yaal suuqa Bakaaraha.

Mashaqadii dabka aheyd ee xalay qabsatay suuqa ayaa markii hore ka bilowday suuqa lagu iibiyo dharka macmalka ah ee loo yaqaan huudheyda waxaana uu dabka gaaray goobaha kale ee suuqa.

Sida qeybta maacuunta hilibka dukaamada lagu iibiyo alaabaha kala duwan iyo daaro kale oo ku yaal suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Inkastoo dabkii xalay uu si xowli ah ku bilowday sababo la xiriira meesha uu ka kacay oo aheyd suuqa huudheyda ayaa markii danbe waxaa baqtiijiyay ganacsatada shirkadaha iyo shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo noqnoqonayay dabka qabsanaya suuqa weyn ee Bakaaraha oo halbowle u ah ganacsiga dalka.

Faallooyin