Haweeney u dhalatay Kenya oo isku dishay mustaqbalka waxbarashada Gabar ay dhashay

Haweeney da'deeda lagu sheegay 37 sano ayaa isku daldashay dalka kenya kadib markii ay awoodi weysay in gabadheeda ay ku biirto iskuulada sare.

Gabadha ay dhashay haweeneydaan isdishay ayaa waxay heshay imtaxaankii dugsiga hoose ee sanadkii la soo dhaafay 396 buundo,taasi oo ka dhigan ay ka mid aheyd ardadii ugu wanaagsaneyd ee kaalmaha sare soo galay.


Taliyaha ciidanka booliska ee ismaamulka Kitui ee gobolka Ukambani Anthony Kamitu ayaa warfidiyeenada u xaqiijiyay in haweeneydaan ay isku dishay waaxda Katulani,kadib markii ay awoodi weysay in gabadheeda ay geyso iskuulka sare oo dib loo furay isbuucii la soo dhaafay.


Haweeneydan isdishay oo ka tagtay sadex caruur ah ayaa go,aankan qaadatay kadib markii gabadheeda ay ku hanjabtay in ay isdili doonto hadii qoyskeeda ay geyn waayaan iskuulka Sare.


Ma ahan markii ugu horeysay oo dhacdooyin ceynkani oo kale ah laga soo tabiyo gudaha dalka Kenya.

Faallooyin