Ciidanka Amniga Zambia oo xabsiga dhigay muwadiniin u dhalatay Shiinaha

Laamaha amniga wadanka Zambia ee la dagaalama daroogada ayaa xabsiga dhigay 12 muwaadin oo u dhalatay wadanka shiinaha kuwaasi oo lagu eedeynayo in ay si sharci daro ah ku beerayeen daroogada loo yaqaan xashiishka.


Xubnahaan ayaa waxay ka mid ahaayeen koox ka waday studio cusub oo warbaahinta dowlada ka hirgalineyso magaalada Chipata ee bariga Zambia.

Xoghayaha gobolka u qaabilsan xukuumada dhexe mr Chanda Kasolo ayaa sheegay in shaleysto ayu tahay xariga ragaan maadama ay dib u dhigeyso arintaan howlaha dhismaha ee loo igmaday.

Gudiga la dagaalanka daroogada ee wadanka Zambia ayaa warsaxafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen in eedeysanayaashan la xiray maalinkii isniinta kadib markii lagu qabtay 6.2 kiilo oo abuurka xashiishka.


Beerida iyo in la kobciyo xashiishka ayaa waxaa uu mamnuuc ka yahay Zambia,balse hadii loo adeegsanayo qaab daawo ahaan ayaa ah wax iska caadi hadii ay aad ruqsad ka heysato wasaarada caafimaadka.

Si kastaba ha ahaatee 12 -kaan muwaadin ee u dhalatay wadanka shiinaha ayaa hadii ay ku cadaato danbigaan waxay muteysan doonaan xabsi gaaraya ilaa shan sano.

Faallooyin