Mike Pompeo:Mareykanka hadii uu ka baxo suuriya wuu sii wadi doonaa la dagaalanka Daacish

Xoghayaha Arimaha Dibeda Mareykanka Mike Pompeo ayaa ku celiyay in Mareykanka uu ciidankiisa kala bixi doono Suuriya ayna sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ku sugan wadamada Suuriya iyo Ciraaq.


Isaga oo ka hadlayay shir Jaraa,id oo uu si wadajir ah ula qabtay dhigiisa wadanka Masar Sameh Shoukry,kadib kulan uu kula qaatay magaalada Qaahira ayaa waxaa uu tilmaamay in Mareykanka uu la shaqeyn doono saaxibada uu ku leeyahay Bariga Dhexe.


Madaxweyne Trump waxaa uu qaatay go,aankan sidiisana ayuu ahaan doonaa waxaa sidaasi warfididuyeenada u sheegay diblumaasigan.


Bilowgii isbuucaan ayey aheyd Markii la taliyaha qaranka amaanka Mareykanka John Bolton uu booqasho ku tagay wadanka Turkiga waxaana uu kala hadlay mas,uuliyiin ka tirsan dalkaasi ka bixitaan ciidanka Mareykanka la dagaalanka kooxda Daacish,iyo sidii turkiga uu u badbaadin lahaa dagaalyahanada Kurdida.

Faallooyin