Askar ka tirsan ciidanka amniga oo lagu dilay weeraro ka dhacay wadanka Afghanistaan

Dagaalyahanada Ururka Taliban ayaa weeraro xoogan waxay ka geesteen galbeedka iyo waqooyiga Afghanistaan kaasi oo lagu dilay 21 askari oo ka tirsanaa Ciidanka amniga sida ay xaqiijiyee saraakiil ka tirsan Dowlada.


Afhayeenka Barasaabka Ismaamulka Badghis Jamshed Shahabi ayaa sheegay in 6 askari oo ka tirsanaa ciidanka booliska la dilay Arbacadii Shalay.

Dhanka kale Shamsul Haq Baeakzai oo ka tirsan mas,uuliyiinta gobolka waqooyi ee Baghlan ayaa tilmaaamay in todobo askari oo ka tirsanaa ciidanka booliska degaanka lagu dilay isla arbacadii weerar dhacay.

Dhanka kale sideed askari ayaa waxaa lagu dilay weeraradii xiriirka ahaa ee shalay ka dhacay gobolka Takhar oo isna dhaca waqooyiga Afghanistan.

Kooxda Talibaan ayaa dhanka kale weerar ku ekeysay fariisin ay ciidanka Amniga ku leeyihiin gobolka Kunduz waxaana lagu dilay saraakiil ka tirsanaa booliska iyo Milatariga.

Dhamaan weeraradaan ayaa waxaa sheegtay dagaalyahanada mas,uuliyadooda Ururka Talibaan.

Si kastaba ha ahaatee weeraradaan sii kordhaya ayaa waxay ku soo aadayaan iyadoo ay socdaan dadaalo looga hadlayo sidii xal waara loogu soo dabaali lahaa wadanka ay colaaduhu la dageen 17-dii sano ee la soo dhaafay.

Faallooyin