Cavusoglu: waan weerari doonaa kurdida hadii Mareykanka uu dib u dhigo ka bixitaanka Suuriya

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay in ay weerari doonto dagaalyahanada Kurdida ee ku sugan waqooyiga Suuriya hadii Mareykanka uu dib u dhigo ciidanka uu kala baxayo,sida uu sheegay wasiirka Arimaha dibeda Mevlut Cavusoglu.


Waxaa uu sheegay hadii ka bixitaanka cudur daar looga dhigo in uu Turkiga xasuuq u geysanayo dagaalyahanada Kurdida aysan taasi ka tarjumeyn xaqiiqda diyaarna ay u yihiin in ay fuliyaan go,aanka u degsan.

Cavusoglu oo u waramayay TV-ga NTV ayaa dhanka kale sheegay in Milatariga Turkiga ay weerari doonaan dagaalyahanada Kurdida ee ku sugan waqooyiga suuriya,taasina ay ku xirneyn ka bixitaanka ciidanka Mareykanka.


Turkiga ayaa mudo waxaa uu dhaleeceyn u jeedinayay dowlada Mareykanka xiriirka ay la leedahay dagaalyahanada YPG oo turkiga ku daray liiska waxa loogu yeero Argagixisada.

Faallooyin