Xiriirka kubada Cagta aduunka oo ka codsaday Thailand in ay sii deyso Xakiim Al-Carabi

Xiriirka kubada cagta aduunka ee Fifa ayaa ugu baaqay laamaha amniga Thailand in ay sii daayaan cayaariyankii hore ee qaranka Baxreyn Xakiim Al-Carabi oo dhowaan dalkaasi lagu xiray.

Mr Xakiim oo si qaxootinimo ah ku jooga wadanka Australia ayaa waxaa qabtay 27-dii bishii November ciidanka socdaalka ee Thailand xilli uu doonayay in uu dalkaasi fasax kula qaato xaaskiisa.

FIFA ayaa sheegtay in ay aad uga xuntay xariga ciyaariyahankaan waxaana ay markale dalbatay in la sii daayo si uu u sii wato xirfadiisa cayaareed.

Al Xakiim ayaa sanadkii 2012-dii si qaxootinimo ah iskaga dhiibay wadanka Australia kadib markii dhibaatooyin loogu geestay wadanka Baxreyn.

Faallooyin