Xoola dhaqatada waqooyi bari Kenya oo walaac ka muujinaya abaaro ka dhaca Gobolka

Shacabka ku dhaqan deegaanada dhaca gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa waxaa loogu baaqay in ay isku dul qaataan xilli roobabkii loo baahnaa aysan si wanaagsan uga Curan gobolka.


Gudoomiyaha gudiga suuq geynta xoolaha nool Dubat Cali Camey ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in reer guuraaga ay isku dulqaataan maadama lagu jiro xilli adag.


Dhanka kale waxaa uu ugu baaqay dowlad goboleedka Garissa iyo waaxda maareynta masiibooyinka in ay ka hortagaan inta aysan imaan dhibaato aan waxba laga qaban Karin.


Walaacaan ka soo yeeray mas,uuliyiinta xoola dhaqatada waqooyi bari kenya ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo ay jirto biyo yari laga soo sheegayo deegaanada fog ee miyigi ah.

Faallooyin