Booliska magaalada London oo xabsiga dhigay dad lagu eedeyay ka ganacsiga daroogada

Ku dhowaad 22 ruux ayaa waxaa lagu xiray howlgal ay ciidanka booliska ka sameyeen magaalada Landon ee caasimada wadanka Ingariiska.

Howlgalkaan ayaa dadka lagu qabtay dhamaantood waxay ahaayeen shaqsiyaad lagu tuhmay in ay ka ganacsadaan daroogada sharci darada ah.

Warbaahinta maxaliga ah ee Uk ayaa tabisay in 10 ruux oo lagu eedeyay in ku howlanaayeen in ay daroogo u gudbiyaan Cumburia la maxkamadeeyay.

Arintaan ayaa imaaneysa iyadoo maalin kadib markii uu bilowday howlgal ka dhan kooxaha ka ganacsada daroogada ee ku sugan magaalada Landon.

Faallooyin