Trump oo wadahadal ugu baaqay xisbiga Dimuquraadiga xilli uu taagan yahay qilaafka darbiga Mexico

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markii ugu horeysay qudbad ka jeediyay is marin waaga ka dhextaagaan golaha Congress-ka iyo xukuumadiisa taasi oo keentay in la meel marin waayo miisaaniyad sanadeedka 2019-ka.

Mr Trump ayaa waxaa uu ugu baaqay in xisbiga dimuquraadiga in ay wada xaajood la galaan xukuumada taasi oo ku aadan meel marinta darbiga laga dhisayo xuduuda Mareykanka.

Trump ayaa yiri arintaan waxay u dhaxeysaa cadaalada iyo cadaalad darada qaladka iyo saxda ayna dhowaan dhamaan doonto.

Qudbadaan ayaa imaaneysa 18 maalin kadib markii la isku maandhaafay meel marinta Miisaaniyad sanadeedka 2019-ka waxaana uu Trump ka codsay Congress-ka in ay saxiixaan lacag dhan 5 billon oo doolar.

Faallooyin