Dowlada Ciraaq oo soo dhaweysay booqashadii lama filaanka aheyd ee Pompeo

Xukuumada Ciraaq ayaa soo dhaweysay booqashadii lama filaanka aheyd ee maanta ii klu tagay magaalada Baqdaad xoghaya arimaha dibeda Mareykanka Mike Pompeo.


Madaxweynaha Ciraaq Barham Salih ayaa sheegay in ay fursad wanaagsan tahay in mas,uulkaan uu soo booqdo dalkooda waxaana uu uga mahad celiyay taageerada Mareykanka ee ku aadan dagaalka ay kula Jiraan kooxda Daacish.

Pompeo oo booqashadiisa ay aheyd mid aan horay loo sii shaacin ayaa kulan la qaatay Ra'isul wasaare Adel Abdul Mahdi, madaxweyne Barham Salih, iyo dhigiisa arimaha dibeda Mohamed Alhakim iyo afhayeenka baarlamaanka Mohamed al-Halbousi.

Wasaarada Arimaha dibeda Mareykanka ayaa dhanka kale war ka soo saarin booqashada maanta uu dalka ciraaq ku tagay Mike Pompeo.

Faallooyin