Congo oo xoojisay xarunta gudiga doorashada xilli cabsi laga muujinayo natiijada doorashada

Cutubyo ka tirsan ciidanka booliska ayaa waxaa loo daabulay xarunta dhexe ee gudiga doorashada ee magaalada caasimada ah ee Kinshasa arbacada maanta ah iyadoo laga cabsi qabo rabshado ka dhaca Congo.

Qaar ka mid ah xubnaha mucaaradka ayaa guulo ka sheegtay doorashada iyadoo xubnaha mucaaradka ay guulo ka sheeganayaan doorashada.

Ciidamada ayaa isku gadaamay wadooyinka waaweyn ee halbowlaha u ah magaalada xilli walaac xoogan laga muujinayo rabshado waaweyn oo hareeya natiijada doorashada.

Xisbiga madaxweyne Joseph Kabila ayaa doonaya in ay wada xaajood la galaan mid ka mid ah xubnaha Mucaaradka oo qeybta ka ahaa doorashada madaxtinimo.

Doorashadii bishii la soo dhaafay ee December ayaa aheyd tii ugu horeysay oo si xor ah u dhacda tan iyo markii uu dalkaasi ka qaatay xornimada muda hada laga joogo lixdan sano balse waxaa jira cabsi laga muujinayo in ay cadaalad tahay.

Sanadihii 2006-dii iyo 2011-ka ayaa waxaa dalkaasi ka dhacay doorashooyin ay hareeyeen rabshado badan.

Faallooyin