Nigeria oo ka codsatay sacuudiga in uu ka taageero barashada diinta islaamka si looga hortago falalka Argagixiso

Dowlada Nigeria ayaa ka codsatay khamiista maanta ah boqortooyada sacuudiga in ay ka caawiso barashada xaqiiqda ku saleysan ee diinta islaamka si looga hortago falalka marin habaabinta ah ee kooxda Boko Xaraam.


Wasiirka gaashaandhiga Mansur Dan Ali ayaa hadalkaan ka jeediyay magaalada Maiduguri oo ay ka socotay qeybinta mucaawino ay dowlada sacuudiga ugu deeqday dadka ku barakacay amni darada ka jirta waqooyiga Nigeria.

Mr Cali ayaa tilmaamay in barashada diinta islaamka ee ku saleysan xaqiiqda ay tahay wadada kaliya ee lagu soo afjari karo marin habaabinta dhalinyarada.


Dhanka kale Nigeria ayaa ka codsatay in sacuudiga ay ka garan siiso xogaha ku aadan kooxaha Argagixisada.


Codsiga Nigeria ay u dirtay sacuudiga ayaa imaanaya iyadoo labadii sano ee la soo dhaafay uu sii kordhayay weerarada kooxda Boko xaraam ay ku qaadeyso fariisimaha Milatariga iyo degaanada ay ku nool yihiin dadka aan islaamka aheyn.

Faallooyin