Rodrigo Duterte: baadariyada doqomada ah waxay mudan yihiin in la dilo

Madaxweynaha dalka Filabiin Rodrigo Duterte ayaa waxaa uu sheegay in baadariyada kaniisadaha Catholic-ga ay yihiin doqomo ayna mudan tahay in la dilo.


Waxaa uu sheegay kuwa dhaleeceynaya dilalka loo geysanayo kooxaha ka ganacsada muqaadaraadka ay istaahilaan in la qaarijiyo.


Isaga oo qudbad ka jeedinayay xarunta madaxtooyada Arbacadii shalay ayaa waxaa idaacada maxali ah oo ku taal dalkaas ay soo tabisay isaga oo luuqadaha Filipino iyo Ingariiska kuwiina baadariyada doqomada ah waa in niila dilaa.


Rodrigo Duterte ayaa tilmaamay in marwalba ay u taagan yihiin in ay dhaleeceyaan waxqabadka dowlada gaar ahaan dagaalka lagula Jiro muqaadaraadka.


Waxaa uu sheegay in baadariyada dalkaas ilaaha ay caabudaan uu yahay mid xagiisa ka ah wasaq.

Si kastaba ha ahaatee arintaan ayaa waxaa aad uga xumaaday baadariyada ku nool Filabiin.

Faallooyin