HRW: oo Turkiga ugu baaqday in qaramada midoobay uu ka codsado baaritaanka dilkii Khashoggi

Hey,ada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ugu baaqday dowlada Turkiga in ay si rasmi ah uga codsato xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres, si baaritaan caalami ah loogu sameeyo dilkii Jamal Khashoggi.


Dhaxal sugaha sacuudiga maxamed Bin Salmaan ayaa si dadban iyo si toos ah ula kulmaya dhaleeceyn ku aadan in uu lahaa amarkii lagu dilay wariyahii sacuudiga.

Baaritaan caalami ah oo lagu sameeyo dilkii ka dhacay dhismaha qunsuliyada sacuudiga ee magaalada Istanbul ayaa waxaa uu noqon doona mid kalsooni iyo qadarin ku dheehan si loo ciqaabo kuwa lagu tuhmayo dilkii 2-bishii October.

Warsaxafadeedkaan ayaa maanta oo khamiis ah lagu daabacay website-ka hey,ada xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay.

Turkiga ayaa marar badan waxaa uu ku baaqay in qaramada midoobay ay ka qeyb noqoto baaritaanka dilkii Khashogi,balse wali si rasmi ah uguma codsan qaramada midoobay.

Faallooyin