Sonko: ma ogolaan doono in dhalinyarada Nairobi ay Noqdaan kuwo caajis badan

Barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko ayaa waxaa uu sheegay in uusan u ogalaan doonin dadka ku dhaqan caasimada in ay Noqdaan kuwa caajis badan.


Isaga oo maanta warfidiyeenada la hadlayay ayaa waxaa uu tilmaamay in masaafo hal kiilo mitir ah aysan waxba u dhimeyn in dhalinyarada ay u lugeeyaan faras magaalada Nairobi.

Waxaa uu sheegay in dadweynaha socodka ku galay magaalada ay Jimicsi u tahay ayna tahay in ay sii wadaan.

Sonko ayaa tusaale u soo qaatay shacabka Rwanda oo sameeya socodka lagu galayo magaalada,iyadoo lagu macneeyay si looga baaqdo saxmada badan ee magaalada.

Nairobi oo ah magaalo ay ku nool yihiin shucuub fara badan ayaa waxay la ciirciireysay sanadihii la soo dhaafay cariiriga gawaarida taasi oo waqti badan kugu qaadaneysa in aad ku tagto goobaha ganacsiga iyo waxbarashada.

Marka laga reebo dhalinyarada,ayaa waxaa uu sheegay in haweenka uurka leh dadka da,da ah ee caafimaad ahaan xanuunsan ay faras magaalaha ku gali karaan gawaarida.


Barasaabka ismaamulka Nairobi ee dalka kenya ayaa yiri shacabka waa in ay ii ogolaadaan in muda xileedka aan hayo aan mashruuc uga tago caasimada.

Faallooyin