Dad ku dhintay daadad xoogan oo ku fatahay waqooyiga Qubrus

Ugu yaraan sadex ruux ayaa ku dhintay daadad xoogan oo ku fatahay gobolka Kyrenia ee dhaca waqooyiga Qubrus kadib roobab mahiigaan ah oo ka da,ay Jasiiradaha saaran bada Mediterranean.


Ra,isul wasaare Tufan Erhurman ayaa khamiista maanta ah booqday degaanada Ciklos iyo Dogankoy oo ay ku dhinteen sadex ruux oo mid ka mid ah ay aheyd gabar 18 Jir ah.


Dadkaan ayaa laga soo saaray wabiga iyaga oo dhintay.


Waxaa uu sheegay in uu ka xunyahay dhacdadaan isaga xilli uu ka hadlayay howlgalada lagu baadi goobayo dad ay biyaha la tageen.


Jasiirada Qubrus oo laba u kala qeybsantay sanadkii 1974 ayaa dhanka waqooyi waxaa ay hoostagtaa maamulka Gareega.

Faallooyin