Burundi oo ku amartay qaramada midoobay in ay xirto xarunta ay ku leedahay dalkaas

Dowlada Burundi ayaa ku amartay hey,ada qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha in ay albaabada isugu dhufato xarunta ay ku leedahay dalkaas mudo laba bil gudaheed.

Ilo ka tirsan wasaarada Arimaha dibeda Burundi iyo saraakiil qaramada midoobay u hadlay ayaa arintaan u xaqiijiyay wakaalada wararka ee AFP.


Dowlada ayaa arbacadii shalay warqad u dirtay isku duwaha qaramada midoobay ee Burundi Garry Conille si uu ugu gudbiyo madaxa xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay, Ms Michelle Bachelet xafiiska ay ku leedahay magaalada Geneva.

Dhanka kale shaqaalaha ku sugan dalkaas ayaa loogu baaqay in ay si deg deg ah looga saaro albaabadana la isugu dhufto xafiisyada ay ka howlgalaan.

Dowlada Burundi ayaa waxaa mudooyinkii la soo dhaafay kordhisay cadaadiska ay ku heyso hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha gaar ahaan qaramada midoobay.

Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa dhaleeceyn caalami ah la kulmeysay tan iyo sanadkii 2015-kii,kaasi oo ka dhan xadgudub loo geestay dadka rayidka ah gaar ahaan taagerayaasha Mucaaradka.

Faallooyin