Qaramada midoobay oo ka digtay fashil ku yimaada wadahadalada nabada dalka Yemen

Ergayga qaramada midoobay u qaabilsan dalka yemen ayaa waxaa uu uga digay dhinacyada ku dagaalamaya Yemen in uu Fashilmo wadahadalka Nabada ee Sweden.

Martin Griffiths, ayaa sheegay in mustaqbalka Yemen uu gacanta ugu Jiro labada dhinac gaar ahaan dowlada iyo mucaaradka xuutiyiinta.


Isaga oo ka hadlayay hoolka uu ka socda shirka oo uu daaahfuray ayaa waxaa uu yiri kuwiina dagaalamaya gacantiina ayey ku jirtaa mustaqbalka Yemen,si loo dhameeyo dagaalka socday sadaexdii sano ee la soo dhaafay.


Martin Griffiths ayaa intaa ku daray in labada garab ay muujiyaan sida ay uga go,antahay xalinta colaada ka taagan yemen.

Shirka maanta ka furmay Sweden ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ah xubno matalaya dalalka sacuudiga iyo Imaaraadka kuwaasi oo qeyb ka ah dagaalka ka socda wadanka Yemen.

In ka badan 56,000 oo ruux oo rayid ah ayaa ku dhintay,dalka Yemen ,halka 22 million shacab ah ay u baahan yihiin gargaar bani aadanimo.

Faallooyin