Midowga Yurub iyo Faransiiska oo 1.5 bilyan ugu deeqay dalalka ku yaal Galbeedka Afrika

Wadamada midowga Yurub iyo dowlada Faransiiska ayaa ku dhawaaqay in lacag dhan 1.3 bn euro ay ugu deeqeen wadamada ku yaal galbeedka Afrika ee oo ay dhibaato ku hayaan dagaal yahanada hubeysan.



Gudoomiyaha Gudiga caalamiga ah ee hormarinta, Neven Mimica ayaa xaqiijisay in midowga yurub ay 800 oo Milyan ay deeqeen dalalkan kadib shir Jaraa,id oo ay ku qabatay dalka Mauritania.

Wadamada deeq bixiye yaasha oo kaashanaya qaramada midoobay ayaa dhaqaalahan uga gol leh sidii looga taqalusi lahaa dagaal yahanada ku sugan galbeedka Afrika gaar ahaan dalalka la isku yiraah Sahel.

Wasiirka Arimaha Dibeda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa sheegay in la dagaalanka kooxda Sahel ay ugu tala galeen 500 dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.

Wadamada Niger, Burkina Faso, Chad, Mali iyo Mauritania ayaa dhaqaalahan loogu sameyn doonaa maalgalin dhanka waxbarashada iyo la dagaalanka kooxaha hubeysan.

Faallooyin