Askar ka tirsan booliska oo ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Iiraan

Ugu Yaraan 2 askari oo ka tirsanaa ciidanka Booliska ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday oo ka dhacay meel u dhow bar koontarool oo ciidamada booliska ku leeyihiin magaalada dekada ah Chabahar oo dhacda koonfurta Iran.


Barasaabka ismaamulka Sistan Rahmdel Bamari ayaa waxaa uu dhankiisa xaqiijiyay qaraxa maanta
Booliska ayaa markii hore Joojiyay gaariga ka hor inta uusan qarxin.


Galinkii hore ee maanta ayaa warar soo baxayay ay sheegayeen in tirada dhimashada ay badan tahay walow laamaha booliska hada ay xaqiijiyeen in laba ruux ay ku dhinteen.

Tv-ga Press oo laga leeyahay Iran ayaa waxaa uu sheegay in qaraxan ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 40 ruux.

Muuqaalo la soo dhigay baraha Bulshada ayaa waxay muujinayeen dhaawacyo badan oo yaalay goobta.

Faallooyin