Afhayeenka Barlamaanka Lubnaan oo digniin u Jeediyay Milatariga Israel

Gudoomiyaha Barlamaanka Lubnaan ayaa waxaa uu sheegay in Israel aysan soo bandhigin cadeymo muujinaya sababihii ay ciidankeeda uga talaabeen xadka u dhaxxeeya labada dal.


Milatariga Israel ayaa maalinkii shalay howlgalo xoogan waxaa uu ka sameeyay degaanada u dhow xadka Lubnaan iyagoo sheegay in dagaalyahano ka tirsan Xisbullah ay godad ka qodeen dhulka hoostiisa.

Nabih Berri oo dhanka kale siyaasad ahaan ka agdgow dagaal tahanada Xisbullah ayaa waxaa uu ka digay in milatariga Israel ay ka soo talaabaan xadka.

Waxaa uu tilmaamay in Juquraafi ahaan xisbulah marka la fiiriyo aysan u talaaban dhulka Israel,taasi oo sheegay in aysan Jirin cadeyn muujineysa oo ay soo bandhigtay dowlada Tel Aviv.

Dhanka kale ciidanka nabad ilaalinta qaramada midoobay ayaa waxay sheegeen in ay baaritaan ku sameyn doonaan waxa ka jira sheegashada Israel oo ah in xisbullah godad dhulka hoostiisa ah ay ka qoday xadka

Faallooyin