Shacabka Yemen oo rajo ka muujiyay wadahadalada Nabada ee ka furmaya Sweden

Sargaal ka Tirsan kooxda xuutiyiinta ayaa waxaa uu rajo ka muujiyay wadahalada nabada ee lagu xalinayo colaada sokeeye ee dalka Yemen oo ka dhacaya Sweden.

Sida laga soo xigtay qaramada midoobay kulankaan ayaa waxaa la filayaa in uu furmo arbacada ama khamiista soo aadan.

Waxaa sidoo kale ka qeyb gali doono wadahada nabada xulufada uu hogaaminayo sacuudiga iyo imaaraadka oo iyagu qeyb ka ah dagaalka ka socda Yemen.


Xukuumada Iran oo la aaminsan yahay in sahay milatari ay siiso kooxda xuutiyiinta ayaa saraakiil ka socota waxay goob joog ka noqon doonaan kulanka ka dhacaya Sweden.


Shacabka Yemen ayaa ku rajo weyn in wadahadaladan ay ka dhalan doonto nabad waarta oo ka dhacda dalkooda.

Wadankaan carbeed ayaa waxaa uu wajahayaa xaalad bani aadanimo iyo macaluul baahsan oo ah tii ugu darneyd ee soo marta taariikhda.

Faallooyin