Qaramada midoobay oo sheegtay in Daacish ay bilowday dilka rayidka ku sugan Deyr Al-Zuur

Haweeneyda qaramada midoobay u qaabilsan xuquuqda aadanaha Michelle Bachelet ayaa waxay ska digtay in masiibo bani aadanimo oo ka dhalata gobolka Deyr Al-Zuur ee dhaca galbeedka Suuriya.

Waxay sheegtay in dagaalyahanada daacish ee ku sugan halkaas ay bilaabeen in ay dadka rayidka ah ee ku nool halkaasi ay dilaan.


Kadib shir Jaraa,id oo ay ku qabatay magaalada Geneva ee xarunta Swiss ayaa waxay sheegtay in ay ka walaacsan tahay 7,000 oo rayid ah kuwaasi oo ay kooxdaan u diideen in ay ka degaanada ay colaada ka jirto.

Dayr al-Zawr oo 450 kiilo mitir dhanka waqooyi galbeed uga beegan magaalada caasimada ah ee Dimishiq ayaa waxaa isku horfadhiya milatariga dowlada oo garab ka helaya ciidan ka socda ruushka iyo dagaal yahanada daacish.

Faallooyin