Sawirro:Tirada caruurta Guri la,aanta ah ee ku nool Uk oo sanadkaan korortay

Inka ka badan 130,000 oo caruur ah oo ku nool Uk ayaa si kumeel gaar ah u noqon doono guryo la,aan inta lagu gudo Jiro dabaal Dega Christmas-ka sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hey,ada badbaada dadka hoy,la,aanta ah.

Dhamaadkii sanadkii 2017-dii ayaa waxaa guri la,aan ahaa in ka badan 3,000 oo caruur ah balse waxaa sanadkaan kordhay tirada.


Dhanka kale Hey,adaan ayaa sheegtay in caruurta yar ay heestaan guryo ku meel gaar ah oo ay hurdaan.
Ilmahaan ayaa badi waxay ku nool yihiin goobaha laga raaco gaadiidka iyo buundooyinka hoostooda.


Guud ahaan marka la isku soo koobo ayaa 103-dii caruur ah oo ku Nool Uk ayaa mid ka mid ah waxaa uu noqon doonaa Hoy,laan inta lagu gudo Jiro dhamaadka sanadkaan.

Isbuuca ugu danbeeya Bishan December oo dadka aan islaamka aheyn ay sameysan doonaan dabaal dega sanadka ayaa waxaa hotelo ama guryo kumeel gaar ah ay ku qaadan doona 9,500 oo caruur ah.

Hey,ada badbaada caruurta hoy la,aanta ah ee ku nool Uk ayaa ku dhaleeceysay dowlada in ay ku fashilantay balanqaadyo hore oo ahaa in wax laga qaban doono baahida guri la,aanta ah ee ka Jirta dalkaas.

Dadkaan ayaa badi waxay u badan yihiin qaxootiga magangelyo doonka ah ee ku nool boqortooyada Britain.

Faallooyin