Soomaalida ku dhaqan kenya oo soo dhaweeyn iyo baaq u jeediyay Safiir Tarsan.

Shacabka ku dhaqan xaafada Islii ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka kenya ayaa waxay soo dhaweeyeen safiirka cusub ee dowlada ay u magacowday dalka kenya Amp Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).


Mowliid sh Abdule oo ka mid ah ganacsatada ku dhaqan Nairobi waxna ku bartay dalkaas ayaa waxaa uu sheegay in uu rajeynayo in Tarsan uu sii xoojin doono xiriirka labada dal.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale waxaa uu tilmaamay in Tarsan uu yahay nin in badan ku noolaa qurbaha gaar ahaan Uk waxna ka badali kara baahyiha ay qabaan shacabka soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.


Mr Yaasiin Qaasin oo isna la hadlay Universal ayaa waxaa uu tilmaamay in culeyso badan ay iska Jireen bilihii la soo dhaafay,balse shaqaalaha safaarada ay u dhabar adeegeen.


Iyadoo ay Jiraan ay jiraan dhalinyaro badan oo soomaaliyeed oo dhibaato shaqo la,aan iyo waxbarasho la,aan isugu jirta ayaa mr yaasiin waxaa uu ku booriyay in Tarsan uu tababaro lagu wacyi galinayo u qabto dhalinyarada Islii.

Si kastaba ha ahaatee hadalkaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo maanta madaxweynaha dalka Kenya uu warqadaha aqoonsiga safiirnimo uu ka gudoomay Tarsan.

Faallooyin