Kenya oo loogu baaqay in ay sugto amaanka Masiixiyiinta ku nool Gobolka waqooyi Bari

Masiixiyiinta ku nool gobolka waqooyi bari ayaa ugu baaqay dowlada kenya in ay sugto amaanka inta lagu gudo Jiro bisha 12-aad ee December si ay u sameeyaan dabaal dega munaasabada Christmas-ka.


Qaar ka mid ah masiixiyiintan oo la hadlay warqabadka Universal ee gobolka waqooyi bari ayaa waxay sheegeen in sanadihii la soo dhaafay dagaalyahanada Al shabab ay dad badan oo rayid ah dileen.

Dhanka kale waxay ku booriyeen in ciidamada amniga ay wax ka bartaan qaladaadkii horay u dhacay si looga feejignaado weeraro ceynkani oo kale ah in ay dhacaan.


Mid ka mid ah raga ku shaqeesta mootooyinka oo loo yaqaan Julias ayaa kana soo jeeda galbeedka Kenya ayaa waxaa uu tilmaamay in rag ay saaxiibo yihiin oo ku nool ismaamulka Mandera ay ka baqayaan in la beegsado walow ay raja ka muujiyeen in sanadkaan ay xaalada wanaagsanaan doonto.

Si kastaba ha ahaatee Al shabab ayaa marar badan waxay weerar ugu qaadeen buses-ka isaga kala goosha gobolka waqooyi bari oo ay kala dageen dad masiixiyiin ah deetanada ay toogteen.

Faallooyin