Dowlada Faransiiska oo ku dhawaaqday in ay hakineyso canshuurta shidaalka

Ra'isul wasaaraha Faransiiska Edouard Philippe ayaa ku dhawaaqay in lix bilood ah la hakinayo qiimaha sare ee la saaray canshuurta shidaalka si looga jawaabo dibad baxyada hareeyay Faransiiska.


Canshuurta ay dowlada saartay shidaalka ayaa keenay in saameyn dhanka nolosha ah ay ku yeelato shacabka waxaana ay dhalisay in dadweynaha ay caro xoogan u qaadaan xukuumada Paris.

Philippe ayaa talaadada maanta ah sheegay in talaabada ay qaaday dowlada ay xaalada ka dhigi doonto mid degan.

Dibadbaxyada looga soo horjeedo canshuurta ay la saaray shidaalka ayaa bilowday 17 bishii la soo dhaafay ee November,waxaana intii uu socday is fara saaray ciidanka amniga dadweynaha ka qeyb qaatay mudaaharaadka.

Dhanka kale Ra'isul wasaaraha Faransiiska ayaa ugu baaqay shacabka in aysan sharaf iyo wanaag aheyn dibad bax lagu waxyeeleynayo dalka balse wax walbo ay wadahadal u Maraan.

Faallooyin