Muhaajiriin ku dhintay xeebaha u dhaxeeya talyaaniga iyo Liibiya

Ugu yaraan 14 ruux oo tahriibeyaal ah ayaa ku dhintay xeebaha dalka Liibiya xilli ay isku dayayeen safar qarka iska tuur ah oo ay ku gaaraan qaarada Yurub.


Afhayeenka ciidanka amniga ee magaalada Misrata Colonel Hisham Aldwaini,ayaa talaadada maanta ah sheegay in dadkaan ay la degtay doon ay saarnaayeen oo nooceedu ahaa alwaax.

Meydadka laba ruux oo ka mid ah tahriibeyaasha ayaa laga helay doonta,halka 12 kalena laga soo saaray bada.

Shil badeedka ka dhacay xeebaha liibiya ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay in ciidanka ay ku soo badbaadiyeen 10 ruux.

Aldwaini ayaa intaa raaciyay in dadka la soo badbaadiyay ay maalmo aysan helin cuno iyo biyo ay cabaan.

Tahriibe u dhashay masar ayaa sheegay in dadka dhintay aysan helin in ku dhow laba todobaaad wax raashin ama gargaar ah taasi oo keentay in ay geeriyoodaan.


Waxaa uu sheegay in markii hore ay ka shiraacdeen magaalada Sabratah ee galbeedka liibiya iyagoo 12 maalin ku jiray bada uno la,aan iyo biyo la,aan.


Ilaa iyo hada lama xaqiijin tahriibeyaasha dhintay magacyadooda iyo dalalka ay ka soo jeedaan.

Faallooyin