Wiil Falastiini ah oo lagu dilay howlgal Israel ka sameysay daanta Galbeed

Milatariga Israel ayaa toogasho ku dilay wiil yar oo falastiini ah kadib howlgal ay ka sameeyeen degmada Tulkarem ee dhacda daanta galbeed.


Maxamed Xosaam Cabdiladhiif oo 22 jir ahaa ayaa madaxa ay ka toogteen ciidanka iyadoo ugu danbeyn uu u geeriyooday sida ay xaqiijisay wakaalada wararka falastiin ee Wafa.

Dhaawaca daran ee soo gaaray ayaa markii hore loola cararay isbitaalka Thabet Thabet ee degmada Tulkarem, oo uu ku dhintay.


Wafa ayaa dhanka kale xaqiijisay in ciidanka ay galeen guryo badan oo ku yaal aagaasi oo ay sheegeen in madaafiic looga soo weeraray.

intii uu socday howlgalkaan ayaa ciidanka waxay adeegsadeen sunta dadka ka ilmeysiisa ee loo yaqaan Tear Gas-ka.


Howlgalka Israel maanta ka sameysay daanta galbeed ayaa dhanka kale waxaa ku dhaawacmay hal ruux.

Faallooyin